Waa suragal in badan oo naga mid ah
inaan isticmaalno basbaaska si cunnada uu noogu socodsiiyo ama dhadhan noogu
yeelo balse ayanaan ka warqabin faa`iidooyinka caafimaad ee laga helo.
Basbaasku waxa uu kamid yahay
qudaarta sida maalinlaha ah dadka badankiis u isticmaalaan
Qubarada caafimaadku waxa ay
sheegayaan in basbaaska laga helo faa`iidooyin caafimaad sida fatimiin C iyo
maadooyin kahortag u ah cudurro halis ku ah caafimaadka
Kansarrada qaarkood iyo boogaha
caloosha ku dhaca ee afka qalaad lagu yiraahdo (Ulcers) ayaa kamid ah xanuunada
uu u fiican yahay basbaaska iyadoo sidookale la warinayo in kuleylka jirka uu
ku beero ay sabab u noqon karto in miisanka qofka uu isdhimo
Waxaa kaloo la tilmaamayaa in
isticmaalka basbaaska uu ka qeyb qaadanayo hoos udhigidda qatarta cudurka
waayahaan dambe ku batay dadka ee sokorowga nuuciisa loo yaqaano (Type 2)
Sidookale xog baaris la sameeyay
ayaa tabineysa in faa`iidooyinka caafimaad ee basbaaska ay kamid yihiin sare u
qaadidda caafimaadka wadnaha iyo difaaca jirka
Dheecaanada taranka ragga ee afka
shisheeye lagu yiraahdo (Testosterone hormones) ayaa sidookale kamid ah
faa`iidooyinka caafimaad ee laga helo basbaaska
Haddaba waa muhiim inaan ku
baraarugsannahay faa`iidooyinka caafimaad ee laga helo qudradda aan isticmaalno
si aan uga faa`iideysanno oo aan u tayeenno
qaab nololeedkeena oo laf dhabar u ah nolosha
0 Comments