Ticker

6/recent/ticker-posts

FARIIN CAAFIMAAD! FADLAN SII GUDBI

Fariin caafimaad! Wacyi galin

Maamulka warbaahinta caafimaad ee caafimaadsan.com markii uu ka war helay baahsanaanta qataraha caafimaad ee dhawaanahaan waddanka ku soo batay waxa uu go`aan saday in fariin caafimaad uu la wadaago bulshada soomaaliyeed taasoo la xiriirta halista cudurka cagaarshowga

Sanadahaan dambe gudaha dalka soomaliya waxaa ku soo badanayay cudurka cagaarshowga gaar ahaan nuuciisa cagaarshow B iyadoo bulshada badankeed aysan ku baraarugsaneen marka loo eego tirada dadka cudurkaan la dhibaateysan iyo inta noloshooda uu sababsaday

Maalmo ka hor maamulka gobolka benaadir xog qoraal ah oo uu ku baahiyay barta facebook ga waxa uu ku sheegay in ay hayaan xogta inkabadan 290 qof oo qaba cudurka cagaarshow B taasoo ah halis aan laga indha qabsan Karin islamarkaana ay tahay in bulshada laga wacyi galiyo halista cudurka, iska daweyntiisa iyo ka hortaggiisa intaba

Cagaarshowgu waa caabuq ka dhasha fayrus ku dhaca beerka oo haddii aan la daweyn sababa in qofka beerkiisu uu ku beero nabaro kansar ah oo aan la daweyn Karin

Cudurkaan ayaa la tilmaamayaa in qaabka la isugu gudbiyo ay kamid yihiin galmada, qalabka wax lagu jaro iyo cirbadaha qof xanuunka qaba isticmaalay, hooyada oo uurjiifkeeda u gudbisa IWM

Fadlan iska baar cudurka oo haddii aadan qabin qaado tallaalkiisa iyo dhammaan qoyskaada, haddii cudurka la idinka helana iska daweeya oo ku xirnaada dhakhtarkiina

Dadka ugu badan ee cudurkaan uu saameeyay ayaa ah kuwa gobolada dalka ku nool gaar ahaan koonfurta soomaaliya taasoo  inta badan loo sababeeyo qaab dadka beeraleyda ah ay u keed sadaan danagga beeraha kaga soo go`a si sanado badan kadib u isticmaalaan (bakaar)

Wasaaradda caafimaadka dowladda soomaaliya ayaa masuuliyadeedu tahay in ugu yaraan dadkaas cudurka u dhibaateysan u sameyso wacyi galin si dadku ugu baraarugaan qatarta cudurka iyadoo isticmaali karta warbaahinta qaranka oo gaari karta dhammaan gobolada dalka

Aqriste waa muhiim aniga iyo adigaba inaan gaarsiinno fariintaan wacyigalinta ah bulshada qeybaheeda kala duwan si looga guuleysto halista cudurkaan dilaaga aamusan ah

 

Post a Comment

0 Comments