Wacyi galinta bulshada ee la
xariirta arimaha caafimaadka waa door muhiim ah waayo caafimaadku waa laf
dhabarta aadmiga uusan sinnaba kaga maarmi Karin
Qormadaanna waxa aynu maanta kaga
hadleynaa muhiimadda naas nuujinta ay u leedahay dhallaanka iyo doorka ay kaga
jirto mustaqbalka fog ee caafimaadka ilmaha
Sidookale waxaan ku faahfaahin
doonnaa warbixintaan muddada ugu haboon oo ay tahay in hooyo walba ilmaheeda u nuujiso
si aan kala go`laheyn
Haddaba aan ku hormarnee
faa`iidooyinka caafimaad ee naas nuujintu ay u leedahay caruurta waxaa kamid ah
in ay ka difaacaan jirka xanuunada ay ka mid yihiin caabuqyada ku dhaca caloosha
iyo in ilmuhu ay la dhibtoodaan xanuunka calool fadhiidka
Aqoon-yahannada caafimaadka waxa ay
sheegayaan in caanaha naaska hooyada ay ka kooban yihiin burutiinno lagama
maarmaan ah iyo dheecaano ka qeyb qaata hab difaaca jirka
Naas nuujintu waxa ay ilmaha ka
caawisaa in jirkooda uu iskiis isku difaaco marka uu soo weeraro virus ama
bacteria waana farqiga u dhexeeya ilamaha naas nuujinta u helo qaab ku filan iyo
kuwa u qaata qaab aan toos aheyn
Waxaa la tilmaamaya in muddada ugu
haboon oo ilmaha la naas nuujiyo ay tahay lix bilood oo xariir ah iyadoo nuuc
kale oo caanaha aan laquudineyn
Waxtarka iyo faa`iidooyinka laga helo
naas nuujinta maaha oo qura kuwa ku kooban dhallaanka balse waxa daraasada la
sameeyay ay muujinayaan in hooyooyinkuba ka helaan faa`iidooyin caafimaad
Hooyada naas nuujinta ku dadaasha
waxa ay ka faa`iidaa quudinta ilmaheeda ka sokow in ilmagaleenka uu si dhaqsa
ah usoo aruuro, waxa ay naas nuujinta yareesaa halista kansarka naasaha ku
dhaca
Waxaa kaloo kamid ah waxyaaba ay
naas nuujintu yareeso qatartooda kansarka kudhaca ugxansidka iyo cudurka
macaanka
Hooyo ku dadaal in ilmahaada yari
aad u noojiso si ku filan muddo lix bilood ah si adiga iyo ilmagaba aad u
heshaan faa`iidooyinka caafimaad ee aan ka soo sheekeenay ugana bad baadaan
qataraha caafimaad ee ka dhalan kara naas nuujin la`aanta
0 Comments