Baabasiirka waa xididdada bararsan
ee qeybta hoose ee dabada iyo malawadka iyadoo la dareemo xanuunkaan marka
gidaaradda xididdadaas ay kala baxaan oo ay fidsamaan taas oo ka dhigan in uu
caabuq jiro
Da`da, uurka iyo calool istaagga
ayaa la tilmaamaa iney kamid yihiin sababaha keena baabasiirka
Inkastoo uu baabasiirka mararka qaar
xanuun lahaan karo haddana dadka badankood waa ay ka reestaan iyagoo aan
isticmaalin wax daawo kiimiko ah balse taas badalkeeda ula tacaala xanuunkaasi
si dabiic ah oo ay kamid tahay iney sameeyaan isbedel qaab nololeed ah sida
badalidda habka cunnada iyo sameenta jimicsiga kuwaas oo yareen kara
calaamadaha xanuunka sidookalan hoos udhigi kara qatarta mustaqbalka uu yeelan
karo baabasiirka
Maqaalkaan waxa aynu kaga hadli
doonnaa calaamadaha, sababaha iyo daaweynta baabasiirka oo ay ku jiraan sida
looga hortago iyo goorta ay tahay in la raadsado caawimaad
Calaamadaha
baabasiirta intabadan waxaa kamid ah
Dhiig bax
Cun cun xagga dabada ah
Barar dabada ah
Xididka malawadka oo barara
Qaar kamid ah calaamadaha ayaa noqon
kara kuwa aan raaxo la heyn balse iskood ayaa looga bogsadaa maalmo kadib
Inkastoo xirfadlayaasha daryeelka
caafimaad aaney si buuxda u fahmin sababa keena baabasiirka hadana waxaa la lee
yahay kuwaani waa qaar kamid ah sababayaasha baabasiirka
Uurka
Xilliga uurka miisaanka sii kordhaya
ee uurjiifka iyo ilma galeenka ayaa cadaadis saaraya miskaha taasoo sababeesa
in baabasiirka uu ku dhaco 35 boqolkiiba hooyooyinka uurka leh
Gabowga
Baabasiirka waxa uu ku badan yahay
dadka waaween ee da`doodu tahay 45-65 sano iyadoo dhalin yarada iyo caruurta
iyagana uu ku dhici karo
Shuban
Baabasiirka waxa uu dhici karaa
kadib xaalada shuban ah oo raagay
Calool
fadhiidka joogtada ah
Marka qofka ay calooshiisu fadhido
badanaa waxaa dhaca in qofku saxarado si cadaadis leh uga timaado taas oo keeni
karta in cadaadiskaas uu saameen ku yeesho xididdada mara malawadka oo ugu
dambeen natiija u noqoneysa in baabasiir uu qofkaasi ku dhaco
Ku daahidda
fadhiga suulida
In waqti dheer la fadhiyaa suulida
waxa ay keeni kartaa baabsiir sababtuna waxaa lagu sheegay saameyn qofka kaga
timaada hawada wasakheysan ee ka soobaxeysa tuunjiga uu ku fhadiyo
Cunnada
Cunista cunnooyinka aan dabiiciga
aheyn waxa ay ka qeyb qaadan kartaa baabasiir
Miisaanka
Cilmi baaris lagu kalsoon yahay ayaa
xiriir ka dhexeysiineysa miisaanka xad dhaafka iyo qatarta sare ee baabasiirka
Daaweynta
dabiiciga ee baabsiirka
Tallaabooyin fudud ayaa yareen doona
calaamadaha baabasiirka iyadoo ay suuragal tahay in xanuunka gebigiisba uu
iskiis isaga suulo
Sikastaba ha noqotee daawo ama
qaliin aya lagama maarmaan noqon karta xaaladaha qaar
Qaabka isku daaweynta guriga ee soo
socota ayaa laga yaabaa iney kaa caawiso nafisinta calaamadaha baabasiirka
Biyaha
kordhinta qaadashada biyaha waxay
kaa caawin kartaa iney jilciso saxarada adag
qeybaha
baabasiirka
baabasiirka ayaa u kala qeybsama mid
ku dhaca gudaha dabada iyo banaankeeda
xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka
waxa ay adeegsadaan nidaamka qiimeynta isha si ay u qeexaan baabsiirka gudaha
iyo midka dibadda u soo baxa
baabasiirka
gudaha
nuucaan waxa uu ku dhacaa guhada
malawadka mana ah mid ka muuqda banaanka dabada, caadi ahaana xanuun malaha
badanaa dhiigbaxa malawadka waa
calaamadda ugu horeysa ee baabsiirka gudaha
Haddii baabasiirka gudaha uu ka soo
baxo waxaa loo yaqaanaa baabsiirka dibada
Xaladdaan waxaa laga yaabaa iney
sabab u tahay daciifnimada muruqyada agagaarka dabada
Baabasiirka dibadda
Nuucan dibada ku dhaca waa maqaarka
ku xeeran dabada waana mid loo jeedi karo oo dibadda ku yaal
Qeybtaan jirka kamid ah waxaa ku
yaal neerfo dareen badan taas oo la macna ah in baabasiirka dibada uu noqon
karo mid aad u xanuun badan
Cadaadiska saxarada ayaa keeni kara
in baabasiirka gudaha ama dibadda uu dhiig baxo
Ogaanshaha dhakhtarka waxa ay ku
badan tahay inuu wax kaa weydiiyo taariikhdada caafimaad islamarkaana uu
baaritaan sameeyo si uu u hubiyo baabasiirka
Ka hortagga
baabasiirka
Isbedellada hab nololeedka waxa ay
kaa caawin karaan hoos udhigista qataraha ka dhalan kara baabasiirka
Cunista cunno
caafimaad leh
Cunista cunnooyin badan oo qani ku
ah duubka sida qudaarta iyo danagga dhulka ka baxa waxa ay kaa caawinayaan in
saxaradaadu ay jilicsanaato
Caqabadda dambe
ee uu baabasiirku keeni kro
Waxaa suuragal ah in dhibaatooyin
badan laga dhaxlo baabasirrka balse waxaa in kooban ka sheegeynaa caqabadahaas
calaamadaha lagu garto
Dhiig bax
Afka dabaada oo yaraada
Xinjirow dhiigga ah
Caabuq ku dhaca kaadi haysta
Marka ay tahay
inaad dhakhtar la xiriirto
Qofkasta oo leh calaamadaha soo socda
waa in uu raadsataa gargaar caafimaad oo
deg deg ah
Dhiig bax joogta ah oo aad u culus
leh ama aan laheyn xanuun
Malax hoos ka imaaneysa
Qandho
Waa muhiim in qofku uu la hadlo
dhakhtarka uuna u sheego in xaaladdu aaney soo bogsasho laheyn ama in xaaladii
ay ka sii darsatay
Baabasiirku ma
sababaa kacsi la`aan
Inta aanan si toos ah kaga jawaabin
su`aasha waxaa jirta dacaayad si ugu dhex faaftay dadka taas oo ah in ragga
badankii ay aaminsan yihiin in baabasiirku uu dhibaato ba`an ku hayo doorkooda
ku aadan sariirta
Su`aasha kor ku xusan marka la
weydiiyay qubarada caafimaadka jawaabta ay ka bexeyeen ayaa ah inaaney wax
xiriir ah ka dhexeen baabasiirka iyo dareenka kacsiga
Qubaradu waxay intaas ku dareen in
baabasiirku uu kamid noqon karo waxyaabaha soo jiida kacsi la`aanta maadaama uu
la xiriiro miskaha xanuunkiisana la dareemayo balse marna uusan sabab rasmi ah
unoqon Karin in guud ahaanba la waayo dareenka kacsiga
1 Comments
Maasha Allah, waad mahadsantahay wll warbixinnada caafimaad ee nala wadaageeso waa kuwa wax ku ool
ReplyDelete