Cagaarshow waa caabuq ku dhaca beerka oo ay sababaan fayrasyo kala
duwan oo faafa iyo maadooyin aan faafin oo keena dhibaatooyin caafimad
Sikale haddii aynu u dhahno cagaarshow waa barar iyo caabuq ku
dhaca beerka, waxaana sababa dhowr arimood oo ay kamid yihiin:-
Unugyada difaaca jirka oo weerara beerka
Caabuqa ka dhasha fayrasyada kala ah
cagaarshow A,B,C
Dhawac kadhasha cabidda qamriga ama sunta
iyo inkale oo badan
Sidookale xanuunkaas waxa sababi kara xanuuna kale oo dhaxal ahaan
ku yimaada sida:- cystic fibrosis iyo hemochromatosis oo ah maadooyin fatimiino
iyo burutiinna ah oo jirka ku saa`id noqda
CALAAMADAHA CAGAARSHOWGA
Waxaa suurtagal ah in qofka marka uu ku dhaco cagaarshowga uu
dhaqsi kaga bogsoodo halka mararkale laga yaabo inuu noqdo xaalad waqti dheer
qaadata
Cagaarshowga waxa uu horseedi karaa dhaawac xagga beerka ah,
beerka oo shaqadiisa gaba, kansarka beerka ku dhaca iyo heer dhimasho
CALAAMADAHA QOFKa UU DAREEMI KARO MARKA UU QABO CUDURKA
CAGAARSHOWGA WAXAA KAMID AH:-
Xanuun ama barar xagga caloosha ah
Kaadi madow iyo saxaro midab dhooba leh
Daal
Qandho heerkeedu uu hooseeyo
Maqaarka ama indhaha oo jaalle noqda
Cunna xumi
Lalabo ama matag
Miisaanka oo hoos udhaca
Cagaarshowga nuuca B iyo C ayaa qubarada caafimaadku waxa ay
tilmaamayaan inaan si fudud lagu dareemi karin calaamada ahaan waqtiyada
xanuunka uu jirka ku cusub yahay iyadoo ay suuragal tahay in beerkana uu sidaa
howl gab ku noqdo waana sababta markasta ay u wanaagsantahay in caafimaad ahaan
la isu hubiyo oo aan baaritaan caafimaad la sugin illaa inta uu xanuun ka
imaanayo
BAARITAANNADA KU HABOON CUDURKA CAGAARSHOWGA
Kumbuyuutarka uur ku jirta
Baaritaan dhiigaada ah oo lagu ogaanayo
nuuca cagaarshow ee ku haya
Baaritaan dhiigaada ah oo lagu ogaanayo
shaqada beerka I.W.M
HABABKA FAYRASYADAAN LAGU KALA QAADO
Qof cudurka qaba dhiigiisa oo qofkale
lagu shubo
Isticmaalka qalab cafimaad oo wasaqeysan
Cagaarshowga nuuca B oo hooyada ay
gudbiso dhallaankeeda
Cagaarshow B oo galmada lagu kala qaado
DAWADA AAD QAADAN KARTO
Marka laga hadlayo daawada cudurka cagaarshowga iyo dhammaan
xanuunada ku dhaca beerka waxaa haboon inaad arimahaas kala xiriirto daryeel
bixiyaha caafimaad ee kuugu dhaw waayo daaweyntu waa ay kala duwantahay oo
hadba waxaa loo eegaya nuuca xanuunka ah ee ku haya
XAALADAHA ADAG EE KA DHALAN KARA CAGAARSHOWGA
Dhaawac xagga beerka ah
Beerka
oo shaqada gaba
Kansarka
beerka
Aqriste waa muhiim inaad si dhaw ula socoto xaaladahaada caafimaad
oo aad isbaarto adigoo ku dadaalaya inaad hubiso caafimaad kaada xittaa haddii
aadan waqtigaas xanuun dareemeyn
0 Comments