Hay`adda caafimaadka adduunka ee
marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (WHO) ayaa bartahimihii bishaan
shaacisay in cudurka bus buska ee nuuciisu cusub ee Mpox uu ka dilaacay qeybo
kamid ah bartamaha afrika
Cudurkaan aadka loo kala qaado ee
bus bus daanyeerka ayaa ugu yaraan 450 ruux ku dilay jamhuuriyadda
dimuquraadiga ah ee congo
Haddaba waa maxay
cudurkaan bus bus daanyeerka iyo calaamadihiisa?
Xanuunkaan ayaa ah fayras ka dhasha
furuqa balse waxaa la tilmaamaa in uu ka dhib yar yahay
Kolkii hore cudurkaan ayaa dadka
kaga imaan jiray dhinaca xoolaha hase yeeshee hadda sidaas waa uu ka duwan
yahay oo waxa uu la soo shaac baxay xanuunku in dadka qudhooda ay hadda isku
gudbinayaan
Xanuunkaan calaamadihiisa hore waxaa
kamid ah qandho, barar, madax xanuun,dhabar xanuun iyo sidookale xanuun xagga
murqaha ah
Qandhada marka qofka ay ka jabto waxaa
dhacda in finan ay ka soo baxaan jirka iyadoo intabdan finankaas ay suuragal
tahay iney ku hormaraan wajiga kadibna ay jirka intiisa kale ku faafaan
Calaacalaha gacmaha iyo lugaha ayaa
kamid ah meelaha finanku ay ka soo baxaan iyadoo finanku lagu tilmaamo iney
yihiin kuwa cun cun iyo xanuun badan
Finanka ayaa mara isbedella badan ka
hor inta uusan qolof iksu badalin iyadoo ugu dambeyn maqaarka uu ka bugsan
doono nabaradii ka soo baxay
Caabuqa xanuunkaan ayaa iskiis u
baaba`a waxa uuna xilli huuriskuusu yahay 14 illaa 21 maalmood balse xaaladaha
qaar ayuu sabab u noqon karaa inuu dabar jaro nolosha dadka gaar ahaan kuwa
nugul sida caruurta yar yar
Kiisaska halista ah waxa ay la kulmi
karaan nabaro weerar ku ah jirka oo dhan gaar ahaan afka, indhaha, iyo xubnaha
taranka
Wadamadee ayuu
hadda cudurkaan ku faafaa?
Cudurkaaan ayaa ku badan tuulooyinka
fog fog ee kaymaha kuleylaha ah ee galbeedka iyo bartamaha afrika sida
jamhuuriyadda dimuquraadiga ee congo halkaas oo sanado badan lagu arkayay
cudurkaan
Goboladaas waxaa ka jira kumannaan
cudurro ah iyo boqolaal qof oo udhinta cudurka sanad kasta iyadoo caruurta ka
yar da`da 15ka sano uu aad u saameeyo cudurka
Waxaa jira tiro cudurro ah oo kala
duwan kuwaas oo isku mar ka dhaca badanaa jamhuuriyadda dimuquraadiga ee congo
iyo dalalkale oo la deris ah
Dhawaanahaan ayaa lagu arkayay
cudurkaan dalal hor leh oo deris la ah dalkeena soomaaliya kuwaas oo ay kamid
yihiin Burundi, ruwanda, Uganda iyo Kenya
Cudurkaan ayaa u qeybsama laba nuuc
oo kala ah clade 1 iyo clade 2 iyadoo nuuca 1aad uu yahay mid aad u halis badan
Fayraska nuuca koowaad ee cudurkaan
oo muddo toban sano ah sababay cudurro teel teel ah ayaa waxaa lagu waramayaa in
wali uu sii faafayo iyadoo halista cudurkana ay ku badan tahay caruurta marka
loo eego dadka waaweyn
Waxaa kaloo jira baa la leeyahay
walaac daran oo la xiriira dad badan oo cudurka horay u qaaday iney dareemeen
calaamado hor leh oo cudurka ah taasoo ka dhigan in halistiisu ay sii kordheyso
Khubarradu waxa ay sheegeen in
waxyaabo badan laga baran karo cudurkaan islamarkaan ay suuragal tahay in
halistiisu ay sii kororto si fududna uu ku faafo
Xarumaha afrika ee xakamaynta iyo ka
hortagga cudurrada ee magacooda loo soo gaabiyo (CDC) ayaa sheegay in ay jiraan
inkabadan 14,500 oo ekfashinnada cudurkaan bus bus daanyeerka ah iyo dhimashada
inkabadan 450 intii u dhexeesay bilowgii sanadkaan 2024 iyo dhammaadkii luulyo
ee isla sannadkaan
Taasina waxa ay ka dhigan tahay iney
jirto koror cudurro ah 160% iyo 19% oo dhimasho ah marka la bar bar dhigo
xogtii 2023 ee horay loo hayay
Horay ayaa loo shaaciyay xaalad deg
deg ah oo cudurkaan la xiriirta sanaddii 2022-ka
Waxaana sababay xaaladaas cudurkaan
nuuciisa labaad ee clade 2 oo ku faafay ku dhawaad 100 waddan oo caadiyan aan
horay loogu arkin fayraska oo ay ku jiraan qaar kamid ah wadamada yurub iyo
asia hase ahaatee kooxaha tallaalka ayaa gacan weyn ka geystay in ka hortag
guuleystay la sameeyo
Qaabkee ayuu ku
faafaa cudurka?
Siyaabaha cudurka uu ku faafo waxaa
kamid ah galmada, taabashada maqaarka iyo hadalka ama neefsashada meel u dhaw
qofka cudurka qaba
Fayraska jirka waxa uu ka gali karaa
maqaarka dhaawacan, neef-mareenka, indhaha, sanka iyo afka
Waxaa kaloo cudurku uu ku faafi
karaa taabashada walxaha uu fayraska wasaqeeyay sida gogosha, dharka iyo
shukumaanada
Xiriir dhow oo lala yeesho
xayawaanka cudurka qaba sida daanyeerka ayaa kamid ah siyaabaha uu ku faafo
fayraska cudurka furuqa daanyeerka ee Mpox
Cudurrada hadda ka dilaacay
jamhuuriyadda dimuquraadiga ee congo waxaa la sheegayaa in ay sabab u yihiin
xiriir galmo iyo nuucyo kale oo xiriir dhow ah
Yaa unugul
qaadista halista cudurka?
Qof kasta oo xiriir dhow la leh
dadka la ildaran cudurka ayaa qaadi kara fayraska oo ay ku jiraan shaqaalaha
caafimaadka iyo xubnaha qoyska
Sababaha kiisaska cudurka ay u sii
kordhayaan ayaa si weyn loogu tuhunsan yahay xiriirka galmo ee ka dhexeeya
dadka waaweyn ee qaba fayraska
Culimada caafimaadka ayaa
daaraaseynaya xaaladda si ay wax badan uga fahmaan cidda halista ugu jirta in
cudurka ay si fudud ku qaaddo
Waxaa suuragal ah in caruurta yar
yar ay kamid yihiin dadka sida gaarka ah ugu nugul cudurka sababo lala
xiriirinayo hab difaaca jirkooda oo wali soo koraya iyo meelo badan oo gobolka
ka tirsan oo nafaqa darro baahsan laga soo sheegayo taasoo la macna ah in ay
culees ka dhigayso in cudurka laga hortago
Khubarrada caafimaadka ayaa soo
jeedinaya in caruurta yar yar ay halis ku jiraan sababtoo ah habka ay u
cayaarayaan iyo sida ay iskula dhaqmayaan midba midka kale mana aha kuwa heli
Karin tallaalka cudurka
Sidookale haweenka uurka leh ayaa
halis weyn ugu jira cudurka maadaama walaac weyn laga qabo in dadka hab
difaacooda jirka uu liito ay unugul yihiin xanuunka
Talooyin
Taladu waa in aad iska ilaalisaa
xiriir dhow oo lala yeesho qofkasta oo qaba cudurka bus bus daanyeerka ee Mpox
Ku nadiifi gacmahaaga saabuun iyo
biyo haddii fayraska uu bulshadaada ku dhex jiro
Dadka cudurka qaba waa in ay ka
soocmaan dadka kale illaa iyo inta ay nabarrada jirkooda ku yaal ay ka
baaba`aan
Kondhomyada waa in loo isticmaalaa
taxadar ahaan marka galmo la sameenayo
Waxaa jira tallaal cudurka loogu
talagalay balse waa mid ku kooban meelaha sida deg degga ah looga baahan yahay
oo maahan mid dunida dhan laga heli karo
Waxaa walaac laga muujinayaa in aan
la heli Karin mashaariic lacageed oo tallaalka lagu gaarsiiyo dunida oo dhan si
cudurka oo daba qabto
0 Comments