Sonkorowga waa cudur daba dheeraada
oo yimaada marka ganaca uusan soo saarin insulin ku filan ama marka jirku uusan
si wax ku ool ah u isticmaali Karin insulinta uu soo saaro iyadoo lagu ogaan
karo sareynta heerka sonkorta dhiigga
Sara ukaca heerka sonkorta dhiigga
ayaa la aaminsan yahay in jirka ay ku reebto muddo kadib dhibaatooyin caafimaad
oo ay kamid yihiin dhaawac halis ah oo soo gaara wadnaha, xididdada dhiigga,
indhaha, kelyaha iyo neerfaha
Nuucyada cudurka macaanka ayaa loo
kala saaraa laba qeybood oo kala ah nuuca 1aad iyo 2aad waxana culimada
caafimaadka ay ku waramayaan in nuuca 2aad uu yahay kan ugu caansan islamarkaana
saddexdii sano ee la soo dhaafay uu ahaa mid ku sii badanayay wadamada adduunka
kuwooda dhaqaala ahaan hooseeya iyo kuwa dhex dhexaadka ah intaba
Qiyaastii 422 milyan oo qof oo
adduunka ah ayaa qaba cudurka macaanka badidooduna waxa ay ku nool yihiin
wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo iyo kuwa dhex dhexaadka ah iyadoo hal malyan
iyo bar oo dhimasha si toos ah loogu sababeeyo cudurka macaanka sanad kasta
islamar ahaantaana tirada kiisaska iyo faafitaanka cudurka macaanka labaduba ay
si tartiib tartiib ah u kordhayeen dhowrkii sano ee la soo dhaafay
Calaamadaha
lagu garto cudurkaan
Nuuca 1aad ee cudurka macaanka
astaamaha lagu garto waxaa kamid ah kaadi badan, haraad, gaajo joogta ah,
miisaan dhimis, aragga oo isbedela iyo daal waxaana suuragal ah in
calaamadahaan ay si lama filaan ah u dhacaan
Sidookale calaamada xanuunka
macaanka nuuciisa 2aad waa kuwa guud ahaanba lamid ah nuuca 1aad ee cudurka
hase yeeshee ka gaabiya xag natiija ahaan
Waxaa laga yaabaa in cudurkaan la
ogaada dhowr sano kadib soo bixidiisa kadib markii dhibaatooyinkiisa la dareemo
sidaa darted waxaa muhiim ah in laga digtoonaada halistiisa
Haddaba cudurkaan
ma yahay mid ka hortag leh?
Qubarada caafimaadku waxa ay
sheegayaan in nuuca 1aad ee cudurkaan macaanka aan sinnaba looga hortagi Karin halka
nuuciisa 2aadna ay jiraan qaababa wax ku ool ah oo looga hortagi karo
dhibaatooyinka iyo dhimashada kadiska ah ee ka dhasha
Siyaabahaas looga hortagi karo waxaa
kamid ah siyaasadaha iyo dhaqamada guud ahaan dadaka iyo goobaha gaarka ah sida
dugsiga, guriga iyo goobta shaqada kuwaas oo gacan ka geysta caafimaadka
wanaagsan ee qofka iyadoo aan loo eegin haddii uu qabo sonkorow
Jimicsi joogta ah, cunno caafimaad
leh, ka fogaanshiyaha sigaarka iyo xakameynta cadaadiska dhiigga iyo dufanka
ayaa kamid ah siyaabaha waxtarka leh ee looga hortagi karo cudurka sonkorowga
Halka ugu wanaagsan ee uu qofku ka
bilaabi karo la noolaashaha wanaagsan ee sonkorowga waa ogaanshaha hore ee
cudurka balse inta qofka uu la nool yahay cudurka oo aan la ogeyn waxaa sii
xumaan kara natiijada caafimaad ee ka dhalaneysa xanuunka
Helitaanka sahlan ee ogaanshaha
aasaasiga ah sida baaritaanka sonkorta dhiiga waa in laga helaa goobaha
daryeelka caafimaadka asaasiga ah
Bukaan socodka waxa uu u baahan
doonaa qiimeynta iyo daaweynta dhibaatooyinka caafimaad ee haya
Waxqabadyo isdaba jooga ah oo wax ku
ool ah ayaa hagaajin kara natiijooyinka bukaanka iyadoo aan loo eegin nooca
sonkorowga ee uu qabi karo
Wax qabadyadaas waxaa kamid ah
xakameynta sonkorta dhiigga iyada oo loo marayo iskudarka cuntada, dhaq
dhaqaaqa jirka iyo haddii loo baahdo daawo xakameyn karta cadaadiska dhiigga
iyo dufanka si loo yareeyo khatarta wadnaha iyo dhibaatooyinka kale sida
dhawaaca indaha iyo kelyaha si loo fududeeyo daaweynta
Yareenta qatarta
ah in cudurka macaanka uu kugu dhaco
Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan
in lagu dadaalo yareenta qatara sababi karta in cudurka uu ku dhaco dadka aan
qabin taasoo ay ku macneeyeen inay jiraan xeelado looga gaashaaman karo
cudurkaan daba dheeraada
Xeeladahaas waxaa ka mid ah sara
uqaadista waxqabadka jir ahaaneed sida jimicsiga, cunida cunno isku dheelitiran
oo caafmaad leh iyo dhimidda miisaanka dadka cayilan
Ma jirto dawa iyo qaab kale oo lagu
dabar goyn karo cudurka macaanka balse waxaa jira qaab lagu maareyn karo oo
caafimaad ahaan caadi ah iyadoo la adeegsanayo joogteynta cunno caafimaad leh
iyo jimicsi
1 Comments
Website kaan maasha Allah design kiisa waa fiican yahay walal isagoo kale halkee ka heli karaa
ReplyDelete