Marka wadnaha uu garaacmayo waxa uu
dhiig ka soo shubaa wadnahaaga kaas oo gala xididdada dhiiggaaga si uu jirkaaga
u nafaqeeyo
Cadaadiska dhiigga waxa uu cabiraa
xoogga dhiigaagu ku riixayo derbiyada halbowlahaaga marka wadnuhu uu isku
uruuriyo oo uu nasto
Cadaadiska lambarka sare ee loo
yaqaano (systolic) waxa uu qeexaa cadaadiska dhigga marka wadnuhu uu garaacmayo
murquhuna ay isku uruuraan halka cadaadiska lambarka hoose ee loo yaqaan
(diastolic) uu astaan u yahay cadaadiska xididdada dhiigga ee u dhexeeya
garaaca wadnaha iyo marka uu nasto wadnaha oo uu ka buuxsamo dhig
Dhiig kar ayaad qabtaa waxaa la oran
karaa marka cabirka cadaadiska dhiiggaada lambarka sare uu noqdo 140 ama ka
badan cabirka lambarka hoosana uu noqdo 90 iyo wixii ka badan
Dhibaatooyinka
laga dhaxlo dhiig karka
Cadaadiska dhiigga ee sareeya waxa
uu waxyeeleeyaa gidaarada halbowlaha taasoo keenta inay khafiif noqdaan oo ay
kala baxaan
Sidookale dhiig karka ayaa keeni
kara dhibaatooyin kala duwan oo ay kamid yihiin
Daciifnimada xididdada
dhiigga: marka xididdada dhiigga ay si aad
ah u fidsan yihiin waxa ay unugul yihiin inay dilaacaan taasoo sababi karta
halis caafimaad
Xinjiro
xididdada dhiigga ah: marka gidaarada
halbowlaha khafiifka ay dilaacaan unugyada waxa ay ku dhismi karaan darbiyada
halbowlayaasha iyo xididdada taasoo sababi karta dhibaato hor leh
Dhisidda
kolestaroolka: kolestaroolka
waxay ku uruurin karaan halbowlayaasha halka ka jiraan unug nabarro leh taasoo
xannibi karta socodka dhiigga kana dhigeysa wadnaha mid si adag u shaqeeeya
Haddaba maxaa
sababa cudurkaan halista leh ee dhiig karka?
Dhiig karka ayaa caadi ahaan si
tartiib tartiib ah u soobaxa muddo kadib balse haddii qoyskaaga taariikh ahaan
uu soo jireen ka yahay cudurkaan dhiig karka islamarkaana aadan ku dadaalin
cunnada caafimaadka leh ee isku dheeli tiran miisaankaaduna sarreeyo ama da`
ahaan aad ka weyntahay 60, waxaad helis weyn ugu jirtaa dhiig karka
Qaar kamid ah
arimaha qatarta ah ee sababi kara dhiig karka waxaa kamid ah
Cabidda sigaarka, isticmaalka aadka
ubadan ee khamriga, cunnada ay ku culus yihiin maadada la yiraahdo sodium,
cunnooyinka ay ku yar yihiin maadooyinka potassium ka iyo vitamin D,
isticmaalka daawooyinka uurka lagaga hortago ee afka laga qaato, xanuunnada
kelyaha iyo cudurka macaanka
Caadiyan majiraan calaamado lagu
garto dhiig karka, waa inaa si joogta ah u eegtaa cadaadiska dhiiggaaga
Haddii aad la kulanto natiijo
sareysa oo cadaadiska dhiiggaaga ah waa inaad raadsataa daaweyn waayo haddii
aadan xakameyn cadaadiska dhiiggaaga waxaad la kulmi karta mid kamid ah
dhibaatooyinka soo socda
In qeyb kamid ah maskaxda dhiigga uu
ka go`, wadna xanuun, wadnaha oo istaaga, barar xagga gidaarka xididdada
dhiigga iyo cilladaha dheefshiidka kiimikada ah
Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay ku
daaweeyaan dhiig karkooda isbadelka qaab nololeedka iyo cuntada halka kuwa kale
ay u baahdaan inay helaan daawooin ka caawiya inay hoos u dhigaan cadaadiska
dhiigooda
Dhiig karka iyo
cudurrada kelyahay
Cadaadiska dhiigga ee sareeya waa
sababta ugu weyn ee keenta cudurrada kelyaha ku dhaca iyo kelyaha shaqada gabay
intaba
Dhiig karka waxa uu dhawaaca u geysan
karaa xididdada dhiigga iyo filtarrada kelyaha taasoo ka dhigeysa ka saarista
qashinka jirka mid adag
Calaamadaha cudurka kelyaha waxaa
kamid ah cadaadiska dhiigga oo sareeya ama sii xumaada, tirada kaadida oo
yaraata, bararka gaar ahaan lugaha
Dhiig karka iyo
maskaxda
Maskaxda waxay door muhiim ah ka
ciyaartaa xakamaynta muddada gaaban ee cadaadiska dhiigga iyadoo loo marayo
habab kala duwan
Doorka habka dhexe ee neerfayaasha
ee xakamaynta cadaadiska dhiigga ee muddada dheer si fican looma qeexin laakiin
dhex dhexaadinta kororka dareenka ayaa lagu aqoon saday
Marka laga soo tago doorka maskaxdu
ku lee dahay xakameynta cadaadiska dhiigga iyo hababka dhiig karka, waxaa jira saameyn
muhiim ah oo cadaadiska dhiigga ku lee yahay shaqada maskaxda iyo xididdada
dhiigga
Daaweynta waxtarka leh ee dhiig
karka waxa ay yareen kartaa halista in 40% maskxada qeyb kamid ah uu dhiiiggu
ka go`o
Sidookale xakamaynta cadaadiska
dhiigga waxa ay u muuqataa inay ka hortagto dhiig baxa iyo xanuunka loo
yaqaanno stroke-ga ee macnihiisu yahay in qeyb maskaxda kamid ah uu dhiiggu ka
go`o
Dhiig karka iyo
dhibaatooyinka indhaha
Waxaa jira xanuuno ku dhaca indhaha oo
uu sabab u yahay dhiig karka, waxaana lagu ogaan karaa xanuunadaas in
daryeelaha caafimaad ee indhaha uu baaritaan ku sameeyo dhabarka kuusha indhaha
iyadoo dhakhtarku eegi doono calaamadaha xanuunnada indhaha oo ay kamid yihiin
Xididdada dhiigga oo yaraada, baro
ku yaalla xuubka indhaha, neerfaha indhaha iyo dhiig xagga dambe ee isha ah
Habka ugu wanaagsan ee loo maareen
karo xanuunada indhaah ee uu sababo dhiig karka waa in la xakeemeeyaa dhiig
karka islamarkaana lala socdaa cabirka cadaadiska dhiigga si loo yareeyo
qataraha kala duwan ee caafimaad uu keeni karo
Ka hortagga
xanuunada indhaha ee uu dhiig karku sababo
Isbadalka qaab nololeedka qofka sida
dhimidda miisaanka ayaa qeyb muhiim ah ka qaadan karta
Ka hortagga xanuunada indhaha ku
dhaca ee loo sababeeyo xakameyn la`aanta cadaadiska dhiigga
Qubarada caafimaadka ayaa ku
talinaya in dadka qaba dhiig karka ay si joogta ah u helaaan cabirka heerka
cadaadiska dhiigoodu uu marayo iyo sidookale baaritaanno la xiriira
dhibaatooyinka indhaha
Waxaa sidookale lagu talinayaa in
aad la xiriirto dhakhtar ku taqasusay xanuunada wadnaha iyo dhiig karka waa
haddii daawooyin aad qaadaneyso ay xal u noqon waayaan dhibaatooyinka aad la
kulmeyso islamarkaana hab badalka qaab nololeedkaaduna uusan la imaan natiijo
caafimaad
Haddii aad ku
sugan tahay xaladahaaan soo socda fadlan la kulan dhakhtar cudurrada wadnaha ku
taqasusay
La xiriir adeeg bixiye caafimaad ee
kuugu dhaw haddii aad ka cabaneyso dhibaato la xiriirta cadaadiska dhiigaada
waayo waxa ay awood u lee yihiin iney kuu qabtaan adeegga asaasiga ah ee
caafimaadka oo kugu caawin kara inaad yara bugsato balse haddii wali
xaaladdaadu ay ka sii dareyso oo aad la ildaran tahay xanuun xagga wadnaha waxa
ay kuu gudbin doonaan dhakhtarka ku taqasusay xanuunnada wadnaha
Calaamadaha astaanta
u ah inaad u baahan tahay dhakhtar wadnaha ku taqasusay marka aad tahay bukaan
dhiig kar qaba
Haddii aad qabto dhiig kar islamar
ahaantaana daawooyin aad qaadaneyso ay xaaladaada wax ka badali waayaan
Taariikh ahaan xagga qoyska haddii ay
jiraan xanuunno la xiriira wadanaha
Haddii aad qabto cudurka macaanka iyo
dufanka xaddigiisu sareeyo ee dhiiga
Waa suuragal inaad la kulanto
calaamada kale sida barar xagga lugaha ama cagaha, neefta oo yaraata iyo wadna
garaac aan joogta aheyn kuwaas oo dhammaantood calaamda u noqon kara
dhibaatooyin kale oo la xariira xanuunnada wadnaha
1 Comments
Dhiig karku waa halis
ReplyDelete