Ticker

6/recent/ticker-posts

WAA MAXAY FAA`IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE JIMICSIGA?

Waa maxay faa'iidooyinka caafimaad ee jimicsiga?

Inkastoo sanadahan dambe ay soo badanayeen dadka aroornimada maalinkooda ku bilaaba socod dheer iyo dhaq dhaqaaq  oo ay kaga gol leeyihiin iney jimicsi sameeyaan shaqada maalintoodaas kahor ayaa haddana waxaa la aaminsan yahay in ay jiraan inkabadan dadkaas oo si toos ah ugudagala shaqa maalmeedkooda taasi oo lagu macneen karo fahan darri iyo ku baraarug la`aan la xiriirta faa`iidooyinka caafimaad ee jimicsiga

Haddaba warbaahinta caafimaadka ee caafimaadsan.com oo si gaar ah wax kaga qorta arimaha caafimaadka ayaa isku xilqaantay iney door muhiim ka qaadato tabinta warbixinnada caafimaad ee wax ku oolka ah waxaana maqaalkan kaga hadli doonnaa faa`iidooyinka caafimaad ee jimicsiga

Kahor inta aanan ugudagalin ka hadalka faa`iidooyinka caafimaad ee jimicsiga aan ka jawaabo weydiimada ah waa maxay jimicsi?

Jimicsi waa dhaqdhaqaaq u baahan dadaal jireed oo la sameeyo si loo joogteeyo ama loo hagaajiyo caafimaadka iyo jirdhiska

Qaar badan oo kamid ah dadka ayaa waxaa suuragal ah iney aaminsan yihiin in jimicsiga loogu talagalay dadka miisaankoodu sareeyo balse si fikirkaas taban meesha looga saaro waxa aynu marka hore si kooban uso gudbineynaa waxtarka caafimaad ee jimicsiga inaga oo gadaal dambana si faahfaahsan uga hadli doonna qodob kasta oon aan soo hormarinnay

Faa`iidooyinka caafimaad ee laga helo jimicsiga waxaa kamid ah, xoojinta awoodda lafaha, miisaanka oo yaraada, hurdo fiican, hagaajinta niyadda, xakameynta sonkorta dhiigga, xoojinta caafimaadka maskaxda, yareenta niyad jabka, hagaajinta xaaladaha caafimaad, hoos udhigidda halista kansarka, xanuunada wadnaha, fududeenta xanuunada daba dheeraada, hagaajinta caafimaadka maqaarka iyo inkaloo ka siibadan

Caafimaadka ku jira jimicsiga sida joogtada ah loo sameeyo waa wax aan la xiqiri Karin oo ay tahay in shaaca laga qaado islamarkaana bulshada lagu wacyi galiyo si ay kaga faa`iideystaan

Markaan aynu isdul taagno midkasta oo kamid ah qodobada aan kor ku soo xusnay in jimicsiga laga faa`iidayo

Xakameynta miisaanka

Jimicsigu waxa uu kaa caawin karaa ka hortagidda miisaanka xad dhaafka ah, marka qofku sameeyo dhaqdhaqaaq jireed waxaa gubta maadada loo yaqaano colories oo ah tamarta qofka uu ka helo cunnada iyo cabitaanka, inta heerka dhaqdhaqaaqaadu uu la`eg yahay in lamid ah oo colories ayaa gubata waana qaabka miisaanka qofku isku dhimo

Safarada joogtada ah ee jimicsiga waa kuwa aad u fiican, hana ka welwelin inaad heli weyso waqti badan oo aad jimicsi sameyso maalin kasta waayo inyar oo aad jimicsataa ayaa ka muhiimsan jimicsi la`aan, sirta lagu kala hormarayna waa joogteynta

Dooro inaad jaran jarta ku socoto halkii aad wiishka isticmaali laheyd waa kalmad kooban oo muujineysa sida jimicsiga uu muhiim u yahay

La dagaalanka cudurrada

jimicsigu waxa uu la dagaalamaa cudurrada, maka welwelsan tahay cudurrada wadnaha? Ma rajeyneesaa inaad ka hortagto dhiig karka? Haddaba dhaqdhaqaaqaada jireed ee sida joogta ah aad u sameeso ayaa joojin kara halista ah in miisaankaadu uu xadka dhaafo islamar ahaantaana jirkaagu marti galiyo xanuunno dhiig karka uu kamid yahay

jimicsiga iyo niyad sammida

jimicsiga waxa uu hagaajiyaa niyadda, ma u baahantahay kicin shucuureed? Mise waxaad u baahantahay inaad hoos u dhigto cadaadiska kadib maalin walaac leh?

Jimicsiga nuuca gym ka ah ama socod deg deg ah ayaa kugu caawin kara niyad sammi

Dhaqdhaqaaqa jirka waxa uu kiciyaa kiimikooyin badan oo maskaxda ah kuwaas oo laga yaabo iney jirkaaga ku reebaan farxad, nasasho badan iyo walaac yari

Waxaakaloo suuragal ah in naf ahaan iyo muuqaal ahaan aad ka roonaato sidii hore jimicsi joogta ah kadib taasoo sara u qaadi karta kalsoonidaada iyo hankaagaba

Tamarta qofka iyo jimicsiga

Jimicsiga sida joogtada ah loo sameeyo waxa uu wanaajiyaa xoogga murqaha, waxa uuna sidookale kor u qaadaa dulqaadka qofka

Waxaakaloo uu jimicsigu jirka usoo diraa hawo iyo nafaqooyin kaa caawin kara in wadnaha uu si hufan u shaqeeyo taasoo ka dhigan in howlaha maalinkaada aad si wanaagsan u qabsan karto

Hurdada iyo jimicsiga

Jimicsiga waxa uu kor u qaadaa caafimaadka hurdada, dhaqdhaqaaqa jireed ayaa kaa caawin kara inaad si dhaqso ah u seexato, inaad hurdo fiican seexato balse waxaa lagu talinayaa inaadan sameyn jimicsi u dhaw waqtiga jiifka

Galmada iyo jimicsiga

Jimicsiga joogtada ah waxa uu kor u qaadi karaa heerarka tamarta waxa uuna ku siin karaa kalsooni badan oo ku saabsan muuqaalkaada jireed taasoo kor uqaadi karta noloshaada galmada

Laakiin waxaa jira xittaa wax kabadan taas, dhaqdhaqaaqa jireed ee joogtada ah ayaa laga yaabaa inuu kor uqaado kacsiga ragga iyo haweenka waxaana la ogaaday in ragga sida joogtada ah u jimicsada ay ku yar yihiin dhibaatooyinka kacsiga marka loo eego ragga aan jimicsiga sameyn

Dhiig karka iyo jimicsiga

Jimicsiga joogtada ah ee aerobic oo ah qaab qofka isaga oo taagan uu dhinac isu janjeeriyo islamarkaana dhanka uu isku janjeeriyay maahee dhinaca kale gacanta ah uu kor utaago ayaa la tilmaamayaa in ay hoos u dhigi karto cadaadiska dhiigga

Waana muhiim inaad joogteyso jimicsiga si aad uga ilaaliso cadaadiska dhiigga inuu markale kor ukaco waana muhiim in maalin kasta 30daqiiqo qofka uu sameeyo jimicsi

Tusaalooyinka qaar ee jimicsiga hoos u dhigi kara cadaadiska dhiigga waxaa k amid ah socodka, orodka, baaskiil wadidda iyo dabaasha

Sonkorowga iyo jimicsiga

Jimicsiga waxa uu kaa caawin karaa hagaajinta heerarka sonkorowga dhiigga

Xanuunka macaanka iyo jimicsiga ayaa keena caqabada gaar ah

Si loo sameeyo jimicsi badbaado leh, dadka qaar ee qaba xanuunka macaanka waxay u baahan yihiin inay la socdaan sonkorta dhiigga kahor, inta lagu guda jiro iyo kadib dhaqdhaqaaq jirka

Tani waxa ay muujineysa sida jirka uu uga jawaabo jimicsiga, waxayna kaa caawin kartaa inaad ka hortagto isbedelka sonkorta dhiigga ee khatarta ah

Jimicsiga iyo farxadda

Qubarada caafimaadka waxa y sheegayaan in qofka marka uu sameeyo jimicsi in maskaxdu ay soo deyso dheecaano ka qeyb qaata farxad galinta jirka kuwaas oo loo yaqaano (endorphins)

Dheecanadaan waxa ay hoos u dhigi karaan xanuunka iyo walbahaarka sidookalena waxay kor uqaadaan niyad wanaagga iyo fiyoobida

Jirku waxa uu soo daayaa endorphins marka la qabto howlo lagu faraxsan yahay sida cunista, jimicsiga iyo galmada

Sikastaba ha ahaatee jimicsiga ayaa leh faa`iidooyin caafimaad oo aan hal maqaal lagu soo afmeeri Karin, waxaana muhiim ah in lagu dadaalo jimicsiga qeybihiisa kala duwan iyadoo si joogta ah loo sameenayo waayo sheygu waxa kaliya ee waxtarkiisa la dareemi karaa waa marka la joogteeyo sameyntiisa

Talada aan ku soo gaba gabeynayo maqaalkeyga ayaa ah in qofkasta uu maalintiisa ku furfurto jawi dagan oo jimicsi ah iyadoo waliba la fududeenayo maxaa yeelay sheygii la fudud ayaa ah mid la joogteyn kara

 

 

 

 

 

 

Post a Comment

3 Comments

  1. Maasha Allah, jimicsigu waa caafimaad illeen

    ReplyDelete
  2. Waa arrin aad u muhiim ah in maalintaada aad exercise ku bilawdo

    ReplyDelete
  3. Jimicsiga waa qeyb muhiim ah oo nolosha kamid ah

    ReplyDelete