Intabadan tallaalka waxaa ku jira
xaddi yar oo bakteeriya, fayras iyo sun la wiiqay ama lagu burburiyay
sheybaarka ka hor inta aan la baahin nuuca tallaalkaas
Qaar kamid ah waxaa ku jira
kiimikooyin ka dhigaya jirkaaga inuu u maleeyo iney la xiriirto bakteeriya,
fayras ama sun
Macna ahaan taasi waxa ay ka dhigan
tahay iney jirto Qatar aad u yar oo dadka caafimaadka qaba kaga imaan karta
tallaalka
Haddaba maxaa tallaalku muhiim u
yahay iyo habka ugu bad baadsan ee aad naftaada u ilaalin karto?
Su`aashaas jawaabteeda oo
faahfaahsan iyo macluumaad kale oo ku lifaaqan ayaan doonaya maanta inaan ku
qaadaa dhigo qormadaan haddii Eebe SWT uu ka raali noqdo
Tallaaladu waa habka ugu waxtarka
badan ee looga hortago cudurro badan oo faafa, waxaana maqaalkaan ku sharaxi
doonnaa sida ay ushaqeeyaan tallaaladu, waxa ay ka kooban yihiin iyo waxyeelada
ugu badan ay lee yihiin
Ka foojignow
sheekooyinka ka hortagga tallaalka
Sheekooyinka ka hortagga tallaalka
ayaa intabadan lagu faafiyaa onlaynka iyadoo loo siimarayo baraha bulshada iyo
qaabab kale oo ka duwan
Had iyo jeer ka qaado tallaalka iyo
macluumaadka caafimaad ilo aad ku kalsoon tahay
Macluumaadka tallaalka ee baraha
bulshada waxaa laga yaabaa inaaney ku saleysnayn cadeyn cilmiyeysan oo waxa ay
kuu horseedi kartaa halis caafimaad oo laga baaqsan karay
Dhammaan cadeymaha hadda jira waxa
ay inoo sheegayaan in tallaalku ka bad baado badan yahay in aan tallaal la
qaadan
Waxyaabaha aad
u baahan tahay inaad ka ogaato tallaalada
Tallaalka ayaa ah caawimaad sidii
adiga iyo ilmahaaga aad uga bad baadi lahaydeen cudurro badan oo halis ku ah
caafimaadkiina
Ilaali dadka kale ee qoyskaada iyo
bulshadaada adiga oo gacan ka geysanaya joojinta cudurrada ku faafa dadka aan
la talaali Karin sida dhallaanka aadka u yar ee aan la tallaalin iyo kuwa aadka
u xanuunsan ee aan tallaalka qaadan karin
Tallaalku waxa uu soo maraa
tijaabooyin badan oo bad baadin ah kahor inta aan la soo bandhigin sidookale si
joogta ah ayaa loola socdaa waxyeelada soo raacda kadib marka la soo bandhigo
taasoo muujineysa in lagu dadaalayo markasta hubinta tayada iyo waxtarka
tallaalka
Mararka qaarkood tallaalada waxa ay
keenaan waxyeelo qafiif ah oo aan sii socon doonin islamarkaana waxaa suuragal
ah inaad dareento xoogaa caafimaad darro ah oo aad cudud ka xanuunsato laba ama
saddex maalmood
Tallaalka waxa uu sabab u noqonayaa
in la yareeyo ama laga taqalluso cudurrada qaarkood waa haddii dadka badankood
tallaalka si wanaagsan u qaataan
Tallaalka kuma jiraan ama kama
sameesna wax xad dhaaf ah oo qofka caafimaadkiisa dhibaateen kara ama hoos u
dhigi kara hab difaaca jirka waana arrin wanaagsan in caruurta iyo dadka
waaweenba laga tallaalo xanuunada halista galin kara bad qabkooda
Sababta ay
tallaaladu muhiim u yihiin
Tallaalku waa waxa keliya ee aan sameen
karno si aan nafteenna iyo caruurteenna uga ilaalinno caafimaad darro
Waxa ay ka hortagaan malaayiin
cudurro ah oo sababa dhimasho adduunka dhan ah sannad walba
Tan iyo markii la soo bandhigay
tallaalada cudurro ay kamid yihiin furuqa, dabeysha iyo teetanada oo dili jiray
ama naafeen jiray malaayiin qof ayaa hadda meesha ka baxay iyadoo ay naadir
tahay in cudurradaasi la arko waqtiyadaan
Cudurrada kale sida jadeecada iyo
gowracatada ayaa hoos u dhacay illaa tiro aad u yar oo kiisas ah sannadkiiba
tan iyo intii la helay tallaalka waxaana lagu waramayaa in kiisaskaas intabadan
ay yihiin kuwa la xiriiraan safarrada dadka ay isugu kala gooshaan
Sikastaba ha ahaatee haddii dadku ay
joojiyaan tallaalka waxaa suuragal ah in cudurrada faafa ay si dhaqsa ah sara
ugu kacaan iyadoo xog laga soo xigtay hay`adda caafimaadka adduunka ee marka
magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano WHO ay sheegeyso in kalaba labeenta qaadashada
tallaalka ay tahay mid kamid ah qataraha ugu weyn ee caafimaadka adduunka
Sida tallaaladu
u shaqeeyaan
Tallaaladu waxay barayaan hab
difaacaaga sida loo abuuro unugyada difaaca jirka ee iska caabiya cudurrada
Aad bey uga bad baado badan tahay
tan tallaalka uu ku barto marka loo eego in cudurka la baaro misna la iska
daweeyo
Marka hab difaacaada uu barto sida
loola dagaalamo cudurka, wuxuu intabadan ku siin karaa hab difaac waqtigiisu
raagi karo
Haddii dadka badankiis la tallaalo
cudurka waa ay ku adag tahay inuu ku faafo dadka aan la tallaali Karin sida
dhallaanka yare e aan wali tallaal qaadan iyo dadka hab difaaca jirkoodu liito
ee aan tallaalka xamili Karin
Bad baadada
tallaalka
Dhammaan tallaalada si fiican ayaa
loo tijaabiyay si loo hubiyo ineysan waxyeelo ugeysan adiga iyo ilmahaaga
Badanaa sanado badan ayey qaadataa
in tallaalka uu ka soo gudbo tijaabooyin uu u baahan yahay si loo oggolaado in la
daah furo oo dadku isticmaali karaan
Waxaa habboon in qofkasta marka uu
tallaalka uu qaato haddii uu waxyeelo saa`id ah ka dareemo in uu dib cabasho
ugu celiyo xarunta laga soo siiyay isagoo adeegsanaya aqoonsigii uu tallaalka
ku soo qaatay
Yaan qaadan Karin
tallaalka?
Waxaa jira dad aad u yar oo aan
qaadan Karin tallaalka si guudna kumaba haboona tallaaka waxaana kamid ah dadka
qaba dareen-celin xasaasiyadeed ee daran iyo dadka hab difaaca jirkoodu uu
liito, waxaan habboon in adiga ama ilmahaagaba inta aanad qaadan tallaalka
inaad iska hubisaan oo adeeg bixiyayaasha caafimaad aad weydiisaan in tallaalka
aad qaadan kartaan iyo inkale
Dhibaatooyinka tallaalka
lagala kulmi karo
Intabadan dhibaatooyinka soo raaca
tallaalku waa kuwa fudud oo masii raagaan waqti dheer waxaana kamid ah
dhibaatooyinkaas cirbadaha tallaalka oo qofka meesha laga siiyo ay midab gaar
ah yeelato islamarkaan barar iyo xanuun keenta illaa muddo 2 ama 3 maalin ah,
qandho maalin ama laba maalin ah
Intaas iyo inakaleba waa calaamado
caadi ah oo la dareemo maalmaha hore ee tallaalka laqaato balse waa kuwa aan
sii raagin oo laga bugsoodo
Qubarada caafimaadka ayaa ku
talinaya in sara loo qaado ololaha lagu taageerayo sare u qaadidda qaadashada
tallaalka si bulshada ay kaga guuleysato cudurrada halista ah ee dhimashada iyo
naafeenta sababi kara
Qofkasta waa inuu la socdaa
tallaalka caadiga si loo helo sareenta hab difaaca jirka oo u diyaarsan iska
caabinta cudurrada halista ah ee dhibaatooyinka dhimashada iyo naafeenta isugu
jira u geesta dadka aan tallaalka qaadan
Fadlan qaado tallaalka ilmaahagana tallaal
si looga hortago cudurro badan oo tallaal la`aanta darteed u dhibaateeyay
malaayiin qof ee ku kala nool dunida daafaheeda iyadoo taas lagu cirib tiri karo oo kaliya in tallaalka la qaato oo la
kordhiyo wacyigalintiisa si dadku uguwada baraarugaan waxtarkiisa
0 Comments