Ticker

6/recent/ticker-posts

WARAABOWGA: MAXAAD KALA SOCOTAA IN QOFKA QABA CUDURKAAN UU U NUGUL YAHAY (HIV)? WAXBADAN KA OGOW

WARAABOWGA

Waraabowgu waa caabuq ka dhasha bakteeriya kuna faafa qaabab kala duwan oo ay kamid tahay galmada iyadoo cudurkuna uu ku bilaabmo nabar aan xanuun laheyn oo ka soo baxa xubnaha taranka, malawadka ama afka

Sidookale cudurkaan waxa uu ku faafaa qof illaa qofkale iyadoo loo marayo taabashada tooska ah ee nabarka ku yaal qofka xanuunka qaba, hooyada qabta xanuunka oo uurjiifkeeda u gudbisa iyo naas nuujinta oo iyana la sheego mararka qaarkood in xanuunku ku gudbi karo

Kadib marka xanuunka uu qof ku dhaco waxa uu ku dhex noolaan karaa jirka qofka sanado badan iyadoo aan la dareemin wax calaamado ah oo xanuunka la xiriira laakiin waxaa badan suurtagalnimada in xanuunku saameentiisu dib ka soo baxdo waa haddii aan la daweyn

Waraabowgu waxa uu dhaawac u geesan karaa wadnaha, maskaxda iyo xubnaha kale ee jirka waana cudur halis galin kara nolosha qof caafimaad qab ah

Haddii goor hore laga warhelo in cudurka aad qabto waa ay sahlan tahay in lagu daweeyo mararka qaarna hal qeyb oo dawa ah ayaa ku filan xanuunkaada taasi oo ah qalajiyaha loo yaqaano penicillin

Waa muhiim in la helo baaris caafimaad marka aad ka warhesho calaamadaha xanuunka dhammaanna hooyooyinka uurka leh waa in laga baaraa waraabowga marka ugu horeysa ee baaritaanka dhalmada ka hor

Calaamadaha xanuunka

Isfiilatadu (waraabowga) waxa uu ku soo baxaa heerar kala duwan iyadoo calaamaduhuna aysan isku mid aheyn marxalad kasta hasa yeeshee waxa laga yaabaa inaad qaado bakteeriyada xanuunka adigoon dareemin wax calaamada ah uu cudurku lee yahay sanado badan

Heerka koowaad ee waraabowga

Calaamadaha ugu horeeya ee waraabowga waa nabar yar oo intabadan aan wax xanuun ah laheyn kana soo baxa meesha bakteeriyada ay ka soo gashay jirka iyadoo badanaa dadka xanuunka qaba hal nabar uu ka soo baxo halka kuwa kalana wax hal nabar ka badan ay ka soo baxaan

Nabarka waxa uu jirka ka soo muuqdaa qiyaastii saddex todobaad kadib marka bakteeriyada aad la kulanto hase ahaatee dadka qaba cudurka badankood ma dareemaan nabarka waana sababta aan loo dareemin calaamadaha xanuunka goor hore

Nabarku waxaa la arkaa inuu ku qarsoon yahay xubnaha taranka ama malawadka iyadoo inta la ogyahayna nabarku uu bugsoon karo muddo dhan saddex illaa lix todobaad

Heerka labaad ee waraabowga

waxaa dhici karta in jirkaada ay ka soo baxaan finan marka nabarka qarsoon ee cudurka uu bogsado dhowr todobaad kadib

finanka ka dhasha waraabowga

waraabowga finanka uu keeno badankood waa kuwa aan laheyn wax cun cun ah iyadoo finanka ay u ekaan karaan midab ahaan casaan ama casaan bunni

finanka oo ah kuwa ay adag tahay in si fiican ishu u qabato yar yaraan darteed ayaa ah kuwa ka soo muuqan kara jirka qeybihiisa kala duwan sida laabta, caloosha, miskaha iyo dhabarka

sidookale waqti kadib finanku waxa ay ka soo bixi karaan addimada, calaacalaha gacmaha iyo kuwa cagaha, waxaakaloo laga yaabaa inaad yeelato astaamo ay kamid yihiin

Nabarro u`eg burooyinka afka ama xubinta taranka

Timaha oo daata

Muruq xanuun

Qandho

Xanuun dhanka cunaha

Daalka

Miisaanka oo yaraada

Qanjirada oo barara

calaamadahaan heerka labaad ee waraabowga ayaa suuragal ah in ay iskood u reestaan laakiin daaweyn la`aanta ayaa sababi karta in cudurku soo noq noqdo muddo bilooyin iyo sanado ahba

Waraabowga qarsoon

Haddii aan lagaa daweyn waraabowgu waxa uu ka gudbaa heerka labaad isagoo iskubadalaya heerka qarsoon taasoo la macna ah in aadan laheyn wax calaamadaha oo la arki karo ama la dareemi karo iyadoo xanuunkana uu jirkaada wali ku jiro

Daaweyn la`aanta cudurka ayaa sababi kara dhibaatooyin caafimaad oo horseedi kara in noloshaada ay gasho xaalad adag

Waraabowga saddexaad

Kadib marxaladda daahsoon 30% illaa 40% dadka waraabowga qaba ee aan la daaweyn waxay qabaan dhibaatooyin loo yaqaanno waraabowga saddexaad ama waraabowga dambe

Cudurkaan ayaa dhaawici kara maskaxda, dareemaha indhaha, wadnaha, xididdada dhiigga, beerka, lafaha iyo kala goysyada

Dhibaatooyin kaan aan kor ku soo sheegnay ayaa ah kuwa imaan kara sanado badan kadib caabuqa asalka ah ee cudurka waraabowga ee aan la daaweyn

Waraabowga faafa

Marxalad kasta, waraabowga aan la daaweyn waxa uu saameen ku yeelan karaa maskaxda, laf dhabarta, indhaha iyo qeybaha kale ee jirka tanina waxay keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad oo helis ah

Waraabowga lagu dhasho

Hooyooyinka uurka leh ee qaba waraabowga ayaa ugudbin kara cudurka uur jiifkooda iyadoo dhallaanka aan dhalan ay caabuqa ka qaadi karaan xubinta siisa nafaqooyinka iyo ogsajiinta uurka inta ay ku jiraan ee loo yaqaanno mandheerta

Dhallaanka cusub ee qaba waraabowga waxa laga yaabaa ineysan laheyn waxa calaamadaha ah basle haddii aysan helin daaweyn deg deg ah waxaa lagu arki karaa astaamo ay kamid yihiin

Nabar iyo finan maqaark ah

Qandho

Qeebo maqaarka iyo indhaha oo midab gaar ah yeesha

Dhiig la`aan

Beerka iyo beer yaraha oo barara

Hindiso

Lafaha ilmaga oo isbadala

Calaamadaha dambe ee cudurka waraabowga ah waxaa kamid ah

Maqal la`aan

Dhibaatooyin ilkaha iyo sanka ah

Ilmaha waraabowga qaba goor hore ayey dhalan karaan calashaan inta aan waqtiga dhalmada la gaarin sidookale waxaa macquul ah inay dhintaan inta ay uurka ku jiraan ama dhalashada kadib

Marka ay tahay inaad dhakhtar la kulanta

La xiriir daryeel bixiyaha caafimaad haddii adiga iyo ilmahaada aad la kulantaan wax kamid ah calaamadaha isfiilatada

Sidookale waa kuu mihiim in aad dhakhtarkaada la xiriirto haddii aad galmo la wadaagtay qof xanuunka waraabowga qaba

Maxaa sababa waraabowga?

Cudurkaan waxaa sababa bakteeriya loo yaqaan treponema pallidum balse habka ugu badan ee lagu kala qaado ayaa ah taabashada nabarka qofka cudurka qaba

Bakteeriyadu waxay jirka ka soo gashaa jeex-jeexyo yar yar oo maqaarka ah iyadoo sidookale hababka cudurka la isugu gudbiyo ay kamid yihiin dhunkashada nabaro furan oo ku yaal bushimaha, carabka, afka iyo naasaha

Isfiilatada laguma kala qaado taabashada shey qof buka uu taabtay iyadoo marka cudurka la daaweeyo uusan iskiis usoo noqon Karin marka laga yimaado inaad la xiriirto nabar waraabowga ah

Halista uu horseedi karo waraabowga

Haddii aan la daaweyn waraabowga waxa uu horseedi karaa dhaawac jirka oo dhan ah

Waraabowga waxa uu sidookale kor u qaadi karaa halista ekfashinka HIV-ga

Daaweynta ayaa kaa caawin karta dhibaatooyinkaas caafimaad laakiin maahan mid dib u soo celin karta oo soo hagaajin karta burburkii horay cudurku ugu geestay jirkaada

Cudurkaan malaha wax tallaal ah oo looga hortagi karo hase yeeshee taas badalkeed waxaa kula gudboon inaad ka fogaato waxyaabaha caabuqa keena oo aan kor ku soo xusnay si looga bad baado dhibaatooyinka waraabowga

 

 

 

 

Post a Comment

0 Comments