Helitaanka daryeel wanaagsan ka hor,
inta lagu jiro iyo kadib uurka hooyada waa mid aad u muhiim ah waayo waxa ay ka
caawin kartaa ilmaha uurka ku jira in ay koraan oo ay kordhaan islamarkaana iyaga
iyo hooyaduba ay caafimaad qab ahaadaan
Daryeelka caafimaad ee hooyada uurka
leh waa habka ugu wanaagsan ee lagu hubin karo caafimaadka ilmaha uurkujirka ah
Daryeelka
dhalmada kahor
Waa tallaabo wanaagsan in hooyadu ay
hesho xanaano caafimaad ka hor inta aysan bilaabin iskuday ah iney uur yeelato
Waa kuwaan qaar kamid qodobo aad u
baahan tahay inaad sameeso uurkaaga kahor
Waxaad u baahan doontaa daryeel
bixiye aad ku xirnaato inta lagu guda jiro uurkaaga iyo dhalmadaada
Waxa uuna ku siin doonaa daryeel
caafimaad dhalmada kahor, dhalmadaada iyo dhalmada kadib waana muhiim inuu ku
siiyo kaniiniga folic acid haddii aad dooneyso inaad uur qaaddo iyo haddii aad
uur lee dahay adigoo ka qaadan doona kaniinigaas 600 micrograms ah maalin kasta
Daraasad caafimaad oo caalami oo la
sameeyay ayaa tilmaameysa in haweenka uurka leh ee aan qaadan kaniiniga folic
acid ay Qatar ugu jiraan 70% in dhallaankoodu ay ku dhashaan cillado dhanka
maskaxda ah oo ay kamid yihiin biyo ku furma maskaxda ilmaha taas oo sababta in
ilmuhu madaxa ka bararaan iyo in ilmaha qaar ay dhashaan iyaga oo ay ka maqan
tahay qeyb muhiim ah oo maskaxda ah
Xanuunadaan qaar kamid ah oo eray
bixinta caafimaadka loogu yeero (Hydrocephalus iyo Anencephaly) ayaa ah kuwa ku
soo badanayay sanadihii dambe gudaha soomaaliya iyadoo tirakoob isbitaallada
qaar ay ku sameeyeen natiijadooda lagu sheegay in kabadan 30 kiis oo
xanuunadaas ah muddo labo sano gudahood
Waa inaad kala hadashaa
dhakhtarkaaga wixii daawo ah oo aad dooneyso inaad isticmaasho, fadlan ha
qaadan daawo dhakhtar uusan kuu qorin ama aadan kala tashan
Ka fagow dhammaan waxyaabaha
maandooriyaasha ah, sidookale jooji isticmaalka kafeeyga, kuna dadaal inaad
tagto booqashooyinka dhalmada ka hor iyo baaritaannadaba
Waa inaad la kulantaa daryeel bixiyahaaga caafimaad marar badan inta aad uurka lee dahay dhalmada ka hor adiga oo heli doona baaritaano kala duwan oo la xiriira hadba marxaladda uu uurkaagu marayo
Sidookale waa inaad u qaatadaa
daryeelka caafimaadka uurka qeybaha kala ah saddexda bilood ee uurka ugu
horeysa, saddexda dhexe iyo saddexda dambe
Waxaa kaloo aad daryeel bixiyaha
caafinaadkaaga ka heli doontaa baaritaanno kala duwan oo ay kamid yihiin
sheybaar dhiiga ah oo lagula soconaya caafimaad qabka guud ee hoyada iyo
kumbuyuutarka uur ku jirta oo lagu ogaanaya caafimaadka iyo korriimada ilmahaaga
Daryeel bixiyahaaga caafimaad ayaad
kala hadli doontaa sida loo maareeyo cabashooyinka caadiga ah ee uurka
Waxaana xanuunadaas kamid ah jirada
wallaca, dhabar xanuun, luga xanuun iyo xanuunno kale inta lagu guda jiro uurka
Majiro laba uur oo iskumid ah,
dumarka qaar ayaa leh calaamado khafiif ah xilliga uurka sidookale dumar badan
ayaa shaqeeya waqtigooda oo dhan waana ay safraan inta ay uurka lee yihiin
Balse kuwa kale ayaa intaas awoodin
oo xittaa iska yareeya saacadaha shaqada iyadoo qaarkoodna ay u baahdaan iney
sariirta jiifaan si ay kaalma caafimaad uga raadiyaan
Dhibaatooyinka uurka
ee suurtagalka ah
Uurku waa nidaam adag, waxaana
suuragal ah in inta badan hooyadu ay si caafimaad leh ku dhameesato xilli
huuriska ilmageeda iyadoo taas ay barbar socoto suurtagalnimada dhibaatooyin
lalakulmi karo inta uurka uu jiro
Dhibaatooyinka caadiga ah ee uurka
waxaa kamid ah sonkorwga xilliga uurka, cadaadiska dhiigga oo sareeya xilliga
uurka, dhalmada waqtigeeda ka soo hormarta, mandheerta oo jirata ama daboosha
afka ilma galeenka
Waa muhiim inaad wargaliso
dhakhtarka haddii aad dareento calaamado la xiriira xanuunada aan ka soo
hadalnay
Markaad ku soodhawaato taariikhda
kama dambeysta ah ee dhalmada waxaad arki doontaa isbedello gaar ah iyadoo
marwalba aysan fududeen in la sheego goorta aad foolan doonto
Kala hadal dhakhtarkaaga waxa dhici
kara haddii aad dhaafto waqtigaaga dhalmada
Maxaa imaan
kara dhalmada kadib
Dhalashada ilmaha waa dhacdo xiisa
leh waana shaqa adag waxayna hooyadu u baahan doontaa iney nafteeda daryeesho
dhowrka todobaad ee ugu horeeya ee dhalmada kadib
Nuuca daryeelka ay u baahantahay
hooyadu waxa ay ku xiran tahay sida ay u umushay
Haddii hooyada ay si caadi ah u
dhashay waxa ay u badan tahay iney maalin illaa laba maalin ay sii joogto
isbitaalka oo aysan gura deg deg ku aadin
Haddii ayse qaliin ku dhashay waxa
ay isbitaalka sii joogi doontaa laba illaa saddex maalmood iyadoo
dhakhtarkaadana uu kuu sharixi doono sidii aad naftaada u daryeeli laheyd
markaad guriga tagto
Haddii aad awooddo inaad naas
nuujiso ilmaha faa`iidooyin badan ayay kuu lee dahay waxaana kamid ah in ilma
galeenkaadu uu si dhaqso ah usoo aruuro
Usamir naftaada markaad baraneyso naas
nuujinta, waxayna qaadan kartaa labo illaa saddex isbuuc barashada xirfadda
naas nuujinta ilmahaaga
Cilladaha uurjiifka
hooyada
Guud ahaan cilladaha uurjiifka waxaa
loo qeybiyaa labo qeybood oo kala qeyb saameysa qaab dhismeedka xubnaha ilmaga
iyo qeyb kale oo saameysa qaabka shaqada xubnaha qaar
Haddii aynu ku hormarno cilladaha ku
dhaca qaab dhismeedka xubnaha waxaa kamid ah wadnaha, sambabada, kelyaha iyo
muuqaalka wajiga
Sidookale cilladaha qaabka shaqada
xubnaha ayaa ah kuwa saameeya shaqada xubnaha qaar ee jirka sida maskaxda iyo
habdhiska dareenka
Tusaalooyinka cilladaha habka
shaqada waxaa kamid ah arag la`aan, koriima la`aan iyo qabyo dhinaca shaqada
maskaxda ah
Qaar kaloo kamid ah cilladaha ayaa
laga yaabaa iney saameeyaan qaab dhismeedka iyo shaqada labada
Ogaanshaha cilladaha
ilmaha uurka ku jira
Kumbuyuutarka uurku jirta ayaa ah
aalad lagu ogaan karo caafimaadka xubnaha ilmaha uur jiifka ah iyadoo inta u
dhaxeysa isbuucyada 18 illaa 23 lagu ogaan karo qaab dhismeedka xubnaha uur
jiifka iyo shaqadoodaba
Dhibaatooyinka xilliga
dhalmada dhici kara
Kudhawaad siddeed boqol oo kamid ah
haweenka uurka leh ayaa u dhinta sababo laga hortagi karay oo la xiriira uurka
iyo dhalmada
Ku dhawaad shan iyo sagaashan
boqolkiiba dhimashada hooyada uuurka leh ayaa waxa ay ka a dhacdaa wadamad daqligoodu hooseeyo
Daryeelka ay bixiyaan xirfadlayaal caafimaad
xilliga dhalmada iyo kadib ayaa ah kuwa kaa caawin kara inaad ka bad qabto
xanuunno badan oo hooyooyinka uurka leh ay unugul yihiin
Sikastaba ha ahaatee waxaa dhammaan
hooyooyinka xilliga dhalmada ku jira lagu wacyi galinayaa iney ku dadaalaan daryeelka
caafimaadka ilmaha iyo midkooda shaqsiyeed taas oo yareen karta halis caafimaad
oo ku imaan karta mustaqbalka dambe
Daryeelada kala ah inta uurka jiro
iyo kan dhalmada kadib labaduba waxa ay muhiim u yihiin hooyada iyo dhallaanka
iyadoo daryeelaha caafimaad laga doonayo in uu ku dadaalo ku baraarujinta
hooyada iney dhalmadeeda ka hor iyo kadibba ilaaliso ballamaha booqashada
xarumaha cafimaad oo ay ka heli karto adeegyada ay u baahan tahay
Fadlan hooyo ku dadaal daryeelka
caafimaadkaada iyo kan ilmahaaga adigoo udhaga nuglaanaya talooyinka iyo
tusaalooyinka ay ku siinayaa adeeg bixiyaasha caafimaadka
2 Comments
Hooyooyinku waa in ay ku dadaalaan dsryeelkooda caafimaad
ReplyDeleteMaasha allah, waa talo hooyooyinka anfaceysa
ReplyDelete