Ticker

6/recent/ticker-posts

XANUUNNADA KELYAHA KU DHACA IYO DAAWEYNTOODA

Xanuunada kelyaha ku dhaca

Marka aynu ka hadleenayo wax qabadka kelyaha waxaa ay dhiigga ka saaraan qashinka iyagoo sidookale soo saara kaadida

Waxa ay kelyuhu door muhiim ah ku lee yihiin xakameynta heerarka maadooyin badan ee dhiigga ku jira

Xakameynta cadaadiska dhiiga ayaa kamid ah howlaha ay ka qeyb qaataan kelyaha waxa ayna dhakhaatiirtu tilmaamayaan in dhowridda caafimaadka kelyaha ay tahay nolol bad baadin sareysa

Shaqada ugu weyn ee kelyahu waa in ay dhiigga ka saaraan wasaqda oo dhiigga nadiifka ah dib ugu soo celshaan jirka daqiiqad kasta hal liitar

Shan meelood meel kamid ah dhammaan dhiigga wadnuhu shubo waxa uu galaa kelyaha isaga oo sii maraya halbowlayaasha kelyaha

Dhiigga marka la nadiifiyo kadib waxa uu dib ugu soo qulqulaa jirka isaga oo sii maraya xididdada kelyaha

Kelli kastaa waxa ay ka kooban tahay illaa hal milyan oo unugyo yar yar oo loo yaqaan nephros.

Nephron kastaa waxa uu ka kooban yahay shaandheyn aad u yar oo loo yaqaanno glomerulus oo ku dheggan tubo

Marka dhiigga uu dhex maro nephrons, dareeraha iyo wax yaabaha qashinka ayaa laga sifeeyaa intabadanna dareeraha waxtarka leh ayaa dib loogu celiyaa dhiigga halka qashinka ay ku uruursan yihiin dareere kasta oo dheeraad ah sida kaadida

Kaadidu waxay soo martaa tubo la yiraahdo kaadi mareenka oo gasha kaadi heysta iyadoo ka sii baxda ugu dambeynna tubada loo yaqaano urethra:

Kelyuhu waxa ay caadi ahaan sameeyaan hal illaa laba liitar oo kaadi ah maalin kasta taas oo ku xiran qaab dhismeedkaada, inta aad wax cabto, heerkulka iyo xaddiga jimicsiga aad sameeso

Kelyaha caafimaadka qaba ayaa si weyn u kordhin kara awoodooda shaqo

Shaqooyinka kale ee kelyuhu qabtaan waxaa kamid ah nidaaminta dheecaannada muhiimka ah ee jirka kuwaas oo gacan ka geysta xakameynta cadaadiska dhiigga, soo saarista unugyada dhiigga cas iyo qaadashada maadada calcium ka

Cudurrada kelyaha

Cudurrada ku dhaca kelyaha ayaa ah kuwa kala duwan marka loo eego qaabka ay ku yimaadaan iyo calaamadaha ay lee yihiin hase yeehsee warbixintaan ayaannu ku qaadaa dhigi doonnaa xanuunnadaas iyo qeybaha ay kala yihiin

Xanuunnada daba dheeraada ee kelyaha

Xanuunnada raaga ee kelyaha waxaa lagu qeexaa ama lagu sifeeyaa marka kelyaha qofka aysan shaqeen Karin oo aysan awoodin iney filtaraan dhiigga

Sonkorta iyo dhiig karka ayaa ah sababaha ugu badan ee keena xanuunnada daba dheeraada ee kelyaha waayo sonkorta iyo dhiig karka waxa ay saameen xoogan ku lee yihiin shaqada filtareenta dhiigga oo ay kelyuhu qabtaan

Baaritaannada lagu ogaado xanuunnada raaga ee kelyaha

Waqtiyada hore xanuunnada kelyaha maaha kuwa leh calaamado durbaba la dareemi karo balse tijaabo caafimaad oo la marsiiyaa ayaa ah habka kaliya ee lagu ogaan karo shaqada kelyaha iyo wixii ku soo kordha

Haddii aad qabto sonkor, dhiig kar, wadna xanuun ama qoyskaadu ay lee yihiin xanuuno la xiriira kelyaha waa kuu muhiim inaad isbaarto oo hubiso shaqada kelyaha

Daryeelayaasha caafimaad ayaa u maraya hannaanka tijaabada kelyahaaga in ay dhiiggaaga ka baaraan heerka filtareenta dhiigga ee kelyaha kaas oo caan ku ah glomerular filtration rate (GFR) marka aynu ka hadleenno eray bixinta caafimaadka

Sidookale kaadida ayaa laga baaraa heerka albumin-ta oo ah tijaabo lagu ogaan karo in kaadidada ay soo raacayaan borotiinka jirkaaga taas oo dhacda marka kelyahaagu dhaawacan yihiin oo aysan sidii la rabay u shaqeen Karin

Baaritaanka dhiiggaada ee GFR ka haddii natiijadiisu ay noqoto 60 ama wax ka sareeya waa caadi balse haddii uu ka hoos maro 60 waxaa jira xanuun xagga kelyaha waxaana haboon inaad dhakhtarkaada kala hadasho caafimaadka kelyahaaga

Digniin: haddii natiijada baaritaan ee GFR ka uu ka hoos maro 15 waxa ay ka dhigan tahay in kelyahaagu aysan shaqeeneyn islamarkaana dadka marxaladoodu halkaas mareyso ay u baahan yihiin in kelli kale loo tallaalo

Sidookale haddii baaritaanka maadada albumin-ta ay noqoto 30mg iyo wixii ka hooseeya waa caadi balse haddii ay ka sara marto 30mg waxa ay cadeen u tahay in cudur kelyaha ah ay jiraan

Haddaba si aad uga hortagto xanuunnada daba dheeraada ee kelyaha waa muhiim inaad ku dadaasho maareynta xaaladaha caafimaad ee sababa kelya xanuunka sida cudurka macaanka, dhiig karka iyo cudurrada wadnaha

Waxaa kaloo dhakhaatiirtu ay ku talinayaan in lagu dadaalo qodobadaan kala ah in qofka uu helo hurdo ku filan, joojinta sigaar cabidda, sameenta jimicsi joogta ah iyo cabidda biyo badan oo nadiif

Ekfashinka ku dhaca kelyaha

Caabuqa ku dhaca kelyaha waa nuuc kamid ah ekfashinka ku dhaca kaadi mareennada sida bandanna ekfashinka kelyaha waxa uu ka soo bilaawdaa kaadi heysta isagoo kor usoo raaca mid kamid ah kelyaha ama labadaba

Haddii aan la daweyn ekfashinka kelyaha ayaa sababi kara xaalada caafimaad oo Qatar ku ah kelyaha hase yeeshee daweynta deg degga ah ayaa ka hortag u noqon karta dhibaato ka imaata ekfashinka

Maxaa sababa ekfashinka kelyaha? Maxaase astaan u ah?

Calaamadaha lagu garto ekfashinka kelyaha waa kuwa kala duwan iyadoo loo eegayo da`da qofka waxaana kamid noqon kara astaamahaas qar qaryo, qando iyo xanuun xagga kaadida ah

Ekfashinka kelyaha waxaa sabab bakteeriya iyo fayrus ku beerma kaadi heysta islamarkaana kor usoo raaca mid kamid ah kelyaha ama labadooda

Dhagaxaanta kelyaha

Dhagaxaanta kelyaha waa shay adke ah oo ku sameesma mid kamid ah kelyaha ama labadoodaba marka heerarka macdanta kaadida ay tahay mid sareysa sida bandanna ma sababaan dhibaatooyin daba dheeraada haddii si wanaagsan loo daweeyo

Calaamadaha lagu ogaan kara dhagaxa kelyaha marka uu jiro waxaa kamid ah xanuun xagga dhabarka, dhinaca, qaska iyo dhiig soo raaca kaadida

Dhakhaatiirta ayaa u isticmaali kara qaabka daweynta dhagaxaanta kelyaha iyagoo qaab qaliin ah ku saara dhagaxaanta halka mararka qaarna ay suuragal tahay in la isticmaalo daawo burburisa dhagaxa

Cabidda biyo badan oo dabiici ah ayaa kamid ah qaababka dhakhaatiirtu ay ku daweeyaan dhagaxaanta kelyaha

Talooyinka ugu wanaagsan ee caafimaad qabka kelyahaaga

Inkastoo aysan macquul aheyn in hal qormo lagu soo gunaanado ama lagu sookoobo xanuunnada kelyaha kudhaca dhammaantood iyo daaweyntoodaba haddana waxaanu taas badalkeed kuu soo gudbineynaa talooyin muhiim ah oo kaa caawinaya inaad ka hortagto cudurrada daba dheeraada ee kelyaha

Hubi caafimaadka kelyahaaga waayo marar badan waxaa dhici kara in qofku uu qabo cudurrada kelyaha isaga oon dareemin wax calaamada ah sidaas darteed waxaa lagu talinayaa in qofku uu la socdo caafimaadka kelyihiisa islamarkaana oo si joogta ah uga warqabo baaritaanna caafimaadna uu ku sameeyo kelyihiisa

Cabirka cadaadiska dhiiggaada: waa muhiim inaad la socoto cabirka cadaadiska dhiiggaada waayo haddii cadaadiska dhiiggaadu uu sareeyo waxa uu dhibaateen karaa kelyaha

Jimicsiga joogtada ah, xakameynta sonkorta dhiigga, cunidda cunno isku dheelitiran, cabidda biyo nadiif ah oo badan iyo yareenta isticmaalka badan ee daawooyinka ayaa kamid ah qaababka looga hortagi karo cudurrada raaga ee kelyaha

 

Post a Comment

0 Comments