Jadeecadu waa cudur halis ah oo
hawada lagu kala qaado islamarkaana ka dhasha fayras keeni kara dhibaatooyin daran
iyo dhimasho
Tallaalka jadeecada ayaa la aaminsan
yahay in uu ka hortag u noqday ku dhawaad konton iyo sideed milyan oo dhimasho
ah intii u dhexeesay 2000 illaa 2022 inkastoo ay jireen kiisas gaarayay 136000
oo dhimasho jadeecada ay sababtay oo adduunka dhan ah una badnaa caruurta aan
la tallaalin ee da`ahaan ka yar 5ta sano
Jadeecadu waa cudur aad loo kala
qaado oo si fudud ku faafa marka qof cudurka qaba uu neefsado, qufaco ama
hindiso, waxa ayna ku dhici kartaa dadka dhan hase yeeshee waxa ay ku badan
tahay caruurt da`doodu yartahay
Cudurku waxa uu ku dhacaa neef
mareenka qofka kadibna waxa uu ku faafaa jirka intiisa kale iyadoo calaamadaha
lagu garto ay kamid yihiin qandho heerkeedu sareeyo, qufac, diif iyo finan
jirka oo dhan ah
Qaadashada tallaalka jadeecada ayaa
ah habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo oo dadka qaba ay kaga bugsoon
karaan iyo sidookale in aysan ku faafin dadka aan horay u qabin cudurka
Sidaas ookale tallaalku waa badbaado
oo waxa uu jirkaaga ka caawinayaa fayraska cudurka isagoo awood dheeri ah ku
biirinaya hab difaaca jirkaada taas oo la macna ah in cudurka uusan dhibaato u
geesan Karin dadka qaba tallaalka jadeecada
Calaamadaha jadeecada
Calaamadaha cudurka waxa ay soo
muuqdaan 10 illaa 14 maalmood kadib marka xanuunku uu ku faafo jirka iyadoo
finanku ay yihiin calaamadaha cudurka kuwooda ugu caansan
Sidookale calaamadaha waxa ay socon
karaan 4 illaa 7 maalmood waxaana ka mid ah
Diif
Qufac
Indhaha oo cassaan noqda
Baro yar yar oo cad cad iyo inkaloo
badan
Dhibaatooyinka ka
dhasha cudurka jadeecada waxaa kamid ah
Indho la`aan
Ekfashin ku dhaca maskaxda iyo
dhaawac maskaxeed oo ay suurtagal ah
Shuban
Caabuq dhegta ah
Dhibaatooyin xagga neefsashada ah
Haddii haweeney ay ku dhacdo jadeecada
xilliga uurka, tani waxa ay khatar ku noqon kartaa hooyada waxa ayna keeni
kartaa in ilmaha uur jiifka ah uu dhasho xilli hore oo miisaankiisu hooseeyo
Dhibaatooyinka jadeecada waxa ay ku
badan yihiin caruurta da`doodu ka yartahay 5ta sano iyo dadka waaweyn ee
da`doodu ka sareyso 30ka sano
Caruurta qaba nafaqa xumida ayaa ah
kuwa aad ugu nugul dhibaatooyinka jadeecada gaar ahaan kuwa aan heysan fatimiin
A kufilan ama difaaca daciifka ee cudurrada kale
Jadeecada ayaa la aaminsan yahay in
ay kamid tahay cudurrada hoos u dhiga hab difaaca jirka taasoo ka dhigan in
caruurtu ay aad ugu nugul yihiin dhibaato aad u sareysa oo kaga imaata
xanuunkaan
Yaa halis ugu
jira cudurkaan?
Qofkasta oo aan difaac laheyn ama
aan la tallaalin ayaa qaadi kara cudurka
Caruurta yar yar ee aan la tallaalin
iyo hooyooyinka uurka leh ayaa halis ugu jira cudurka jadeecada iyadoo
cudurkaan wali uu ku badan yahay afrika, bariga dhexe iyo aasiya
Dhimashada jadeecada ayaa intabadan
la sheegaa iney ka dhacdo wadamada dhaqaala ahaan hooseeya taasoo ka dhigan in
ay halkaas ku yar tahay dadaalo sare loogu qaadi karo ololo ah in tallaalka
cudurka laga dhaqan galiyo maadaama dhaqaale badan uusan jirin
Gudbinta cudurka
Jadeecada waa mid kamid ah cudurrada
ugu faafidda badan ee adduunka kuna faafa taabasdhada dheecaanada ka yimaada
sanka ama cunaha qofka cudurka qaba iyo neefsashada hawada bukaan qaba
jadeecada
Fayraska cudurka ayaa ah mid aad u
fur furan oo faafi og waana sababta loo aaminsan yahay in hal qof oo qaba
cudurka jadeecada uu u gudbin cudurka 9 qof oo ay isku meel ku nool yihiin waa
haddii aysan tallaalka qabin
Daawada cudurka
Ma jirto daaweyn gaar ah oo cudurka
hase yeeshee daryeel bixiyaasha caafimaad waa in ay xoogga saaraan yareenta
calaamadaha cudurka iyo ka hortagga dhibaatooyinka cudurka
Cabitaanka biyo ku filan iyo
daaweynta fuuq baxa ayaa badal u noqon kara dareeraha ka lumay bukaanka intii
dhibaatadu ay socotay, cunista cunno caafimaad leh ayaa iyana muhiim ah
Dhakhaatiirtu waxa ay isticmaali
karaan daawooyinka qallajiyaasha si ay u daaweeyaan oof-wareenka iyo caabuqyada
dhagaha, indhaha
Dhammaan caruurta iyo dadka waaweyn
ee qaba jadeecada waa in ay helaan laba qiyaasood oo fatimiin A ah oo dheeri ah
oo ay qaataan 24 saacadood oo kala duwan
Tani waxa ay soo celineysaa heerkii
yaraa ee fatimiin A ee ku dhaca xittaa caruurta nafaqeysan waxayna sidookale ka
caawin kartaa ka hortagga dhawaaca indhaha iyo indha la`aanta
Sidookale waxaa lagu waramayaa in
kaabista fatimiin A ay hoos u dhigi karto tirada dhimashada ay sababaan
dhibaatooyinka daran ee ka dhasha xanuunka jadeecada
Ka hortagga
cudurka
Tallaalka bulshada oo dhan waa habka
ugu waxtarka badan ee looga hortago jadeecada
Dhammaan caruurta waa in laga
tallaalaa jadeecada
Tallaalku waa badbaado waxtar leh oo
aan laga maarmin
Caruurta waa in ay qaataan laba qiyaasood
oo tallaalka ah si loo hubiyo difaacooda
Qiyaasta ugu horeysa waxaa badanaa
la bixiyaa da`da 9 bilood dalalka jadeecadu ku badan tahay
Qiyaasta labaad waxaa la bixiyaa
inta u dhexeesa 15 illaa 18 bilood
Khatarta jadeecada ayaa si gaar ah
ugu sareyso xarumaha qaxootiga kuwaas oo ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan
loo tallaalo
0 Comments